Dalka Itoobiya oo ay ka socdaan dagaallo culus oo u dhexeeya maleeshiyaad kala duwan oo ka dhisan dalkaas iyo Dowladda Xabashida Itoobiya, ayaa lasoo warinayaa in ay hadda xirmeen kumannaan iskuullo ah oo ku yiilay dalkaas.
In ka badan 6-kun oo iskuul oo ku yaalla dalka Itoobiya ayaa lasoo warinayaa iney xirmeen, sababo ku aaddan colaadaha iyo muusiibooyinka Rabaaniga ah ee ka jira dalkaas.
Caruur tiradoodu ka badan tahay 9 milyan oo ku nool dalka Itoobiya ayaa iminka waxbarasho la’aan ah, waxaana goballada ugu badan ee ay dhibaatadaan ka taagan tahay ay kala yihiin Amxaarada, Oromada iyo Tigreega.
Ugu yaraan 2 macallin ayaa bishii September ee lasoo dhaafay waxaa lagu dilay, degmada Sinaan ee bariga mandiqadda Gojjam kana tirsan gobalka Amxaarada ee dalka Itoobiya.