Maalintii shalay oo Isniin ahayd waxaa dalka Hindiya ka dhacay, shil sababay dhimashada 36 qof ruux, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale, kadib markii uu buuraha Himilaayo ka dhacay gaari Bas oo ay la socdeen.
Dhacdadan ayaa si gaar ah looga soo tebiyay gobolka utar Kand ee ka dhaca Waqooyiga dalka Hindiya,
Baskan ayaa ka ymid Jari-Hwal oo ku taalla buuraha Himilaayo isagoo kusii jeeday magaalada Raamanaajaar, waxaana ugu yaraan saarnaa 42 qof oo rakaab ah, kuwaasoo uqeybsamay dhimasho iyo iyo dhaawac.
Wadanka Hindiya ayaa waxaa ku badan shilalka, waxaana ugu wacan dayactir la’aanta wadooyinka, haalisyada lagala kulmayo jidadka mara buuraha, iyo iyadoo la baalmaray nidaama maritaanka wadooyinka.