Isbuucyadii lasoo dhaafay gudahooda waxaa gobolka Daar-Fuur ee katirsan wadanka Suudaan ka barakacay, qoysas aad u farabadan oo naftooda kala cararaya duqeymaha aan kala sooca lahayn ee kusoo laalaabtay gobolka, kuwaasoo beegsanaya dadka rayadka ah.
Duqeymahan ay dadku ka qaxeen ayaa lagu bartilmaameedsanayaa guryaha la degan yahay iyo suuqyada lagu ganacsado, waxayna dadku ka badi waayeen iney naftooda la cararaan.
Qoysaska barakacay ayaa tiradooda lagu qiyaasay illaa 1,500 qoys, waxayna ubadnaayeen haween caruur iyo waayeello.
Dadka barakacay ayaan haatan ku nool meel banaan oo ay naftu bidday, waxayna arrintaasi sii kordhineysaa dhibaatada ay la kulmayaan, maadaama meeshu lama degaan tahay oo aysan wax nolol ah ka jirin.