Dhacadadan ayaa dhawaan si lama filaan ah amni subax hore ah uga dhacday magaalada caasimadda u ah wadanka Tanzania ee Daara-Salaam, waxayna madaxweynaha dowladda Tanzania haweeneyda lagu magacaabo Saamiya sheegtay, in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen dhacdadan, in kabadan 80 ruuxna laga soo badbaadiyay, kuwasoo laga geeyay isbitaallada.
Waxay intaasi sii raacisay in dadkii ka badnaa 80 ruux ee la geeyay goobaha caafimaadka kaliya ay wali jiifaan isbitaallada 26 qof, halka ay intii kale ay kasoo baxeen.
Dhismaha dumay ayaa ka koobnaa 4 biyaano, wuxuuna kamid yahay dhismayaasha suuq lagu magacaabo Kaariyaako ee ku yaalla Bariga magaalada Daara-Salaam.
Waxaa haboon iney dadku ku baraarugaan, in xilligan la joogo ay dhisamayaasha dhaadheer wataan khataro si lamafilaan ah ku dhicikara, sidaasi darteed waxaa aad ufiican in injineerka dhisaya la iska hubiyo aqoontiisa, agabka dhisamaha lagu taagayana loo doorto mid tayo leh.