Sunday, November 17, 2024
HomeUncategorizedIiraan oo Xukun Dil ah ku Riday 4 Ruux oo Basaasnimo ku...

Iiraan oo Xukun Dil ah ku Riday 4 Ruux oo Basaasnimo ku Eedeysan.

Maxakamad ku taallla Waqooyi Galbeed ee dalka Iiraan ayaa dil ku xukuntay 4 ruux oo ay sheegeen in sedax kamid ah ay basaasiin uyihiin maamulka Yahuudda, islamarkaana ka qeyb qaateen dilkii Muxsin Fakhru Saadah, oo 2020 lagu dilay dalkaasi, halka mid afaraad ay ku eedeysay fal basaasnimo ah, hase ahaatee ma aheysan sheegin waxa uu yahay.

Xukuumadda Shiicada ah ayaanan bixin tafaasiil la xiriirta dadka ay xukuntay wadamada ay kasoo jeedaan.

Yahuudda ayaa iyaduna illaa haatan diidan iney ka hadasho eedda loo jeediyay, wuxuuna afhayeen u hadlay maamulka Yahuudda sheegay ineysan ka hadlin arrimahaan oo kale, go’aankoodii hore ee diidmada ahaana aysan waxba iska bedelin.

Dowladda Iiraan ayaa horay udishay dad faradan oo ay ku eedeeysay iney jawaasiis uyihiin Yahuudda, kuwaasoo ay fagaarayaal keentay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments