Sunday, December 22, 2024
HomeAll NewsIiraan oo Ka Walaacsan Xaaladda Cusub ee Dalka Suuriya.

Iiraan oo Ka Walaacsan Xaaladda Cusub ee Dalka Suuriya.

Xukuumadda Shiicda ah ee Iiraan oo ay fajac iyo dhanaheysi ku noqdeen waxaa ka dhaca Suuriya iyo sida loo xasuuqayo malleeshiyaadkeeda iyo askarta Bashaar Al-Asad, ayaa ka walaacsan nidaamka Bashaar iyo halka uu ku dambeynkaro.

Waxay dagaallada ka socda Suuriya ku noqdeen Iiraan waxa argagax ku beeray, iyadoo marka la fiiriyo xaalkeeda  aan xilligani waxba uqaban Karin nidaamka Nuseyriyada, maadama waxa waliba si kadis ah wax iskugu bedeleen.

Iiraan ayaan xilligan awood millateri iyo taageero u helikarin nidaam Bashaar, si lamid ah sanadihii lasoo dhaafay oo ay si buuxda u garab taagneyd.

Dowladda shiicada ah ee Iiraan ayaa ka qeyb qaadatay guumaadkii loo geystay Muslimiinta suniyiinta ee Suuriya sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo qeyb lixaad leh ka qaadaneysay dagaallada lagu xasuuqayay dadka Muslimiinta, maadaama ay Shiici isla yihiin, waxayna malleeshiyaadkeeda iyo kuwo kale oo Shiico meelo kala laga keenay ah, xoog ku digeen guryihii laga barakiciyay Muslimiinta, iyagoo intii ay joogeen bubur xooggan ugeystay islamarkaana baabi’yay wixii yiillay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments