Wargeyska New Yourk Times oo soo xiganaya labo mas’uul oo katirasan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa sheegay, in xukuumaddaTahraan ay bilowday iney Suuriya ka daadgureyso, saraakiisha ciidanka iyo diblumaasiyiinteeda kaga sugan wadankaasi, oo ay wehliyaan qoysaskooda iyo dad udhashay Iiraan.
Mas’uuliyiinta uu soo xiganayo warkgeyska New Yourk Times ayaa intaasi ku daray, in Xukuumadda Shiicada ah ay dadkan geyneyso wadamada lubnaan iyo Ciraaq.
Amarka ah in la daadgureeyo dimlumaasiyiinta iyo saraakiisha ciidanka ee Iiraan ayaa kasoo baxay, safaaradda xukuumadda Shiicda ah ee fadhigeedu yahay magaalada Diqimish ee caasimadda u ah dalka Suuriya.
Si ay dadkan u daadgureyso dowladda Shiicda ah ee Iiraan waxay sheegeen labada mas’uul iney adeegsaneyso dekadda magaalada Al-Laadiqiyah ee wadanka Suuriya, waxayna in la raro dadkan billaabtay maalintii shalay oo Jimco ahayd.
Bishaar Al-Aasad ayaa dowladihii taageerijiray markan garabkiisa baneynayaan xilli ay xaaladdu ku xuntahay, kacdoon wadayaashuna ay Dimiqshi kusii dhow yihiin.