Warbixin ay soo saartay hey’ad udooda waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Human Rights Watch, ayaa waxaa eedeyn culus loogu jeediyay ciidanka dowladda Kenya.
Hey’adaha amaanka ee Dowladda Kenya iyo ciidanka ayaa lagu eedeeyay, dilalka, afduubka iyo jirdilka dadka rayidka ah ee ay ku eedeeyeen, iney ka qeyb qaateen mudaaharaadyo ka dhacay gudaha dalkaas.
Haweeney ay soo xiganeyso warbixinta ayaa sheegtay, in wiil ay dhashay ay ku weysay, dibadyadii dhawaan ka dhacay gudaha Kenya, kuwaas oo sababay waxyeello kala duwan.
Baaritaan lagu sameeyay meydkiisa ayaa lagu ogaaday dhaawacyo madaxa kaga yiillay, waxaana hey’addaan ay sheegtay in mudadii ay dibad-baxyada socdeen Kenya lagu dilay 61 ruux.