Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay qaar kamid ah goballada dalka ka fuliyeen, weerro isugu jira mid qorsheysan, qarax iyo kuwa toos ah, kuwaas oo lala beegsaday askarta Dowladda Fedaraalka.
Askari katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa si xun loogu dhaawacay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay ka fuliyeen magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan.
Howlgalkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay agagaarka xero ay dhawaan ka guureen ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka, taas oo ku taalla galbeedka magaalada Baladweyne.
Dhanka gobalka Gedo, waxay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qarax ku weerareen, xarunta nabadsugidda ee Dowladda Fedaraalka ku leedahay degmada Baardheere ee gobalkaas.
Sidoo kale waxaa weeraro lagu qaaday saldhigyada ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Jannaale iyo xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye oo kawada tirsan Sh-hoose.