Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen, gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Howlgalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay xaafadda Nuur-Xawaad ee magaalada Baladweyne, waxaana lala beegsaday askari katirsan Dowladda Fedaraalka.
Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay askarigaan oo lagu magacaabo Carrabeey, waxayna kasoo furteen qorigii uu ku hubeysnaa.