Monday, November 18, 2024
HomeWarka DibaddaHogaamiye Shaamil Baasyiif, Mujaahidkii Shiishaaniga ahaa ee Jebiyay Qabweynidii Ruushka.

Hogaamiye Shaamil Baasyiif, Mujaahidkii Shiishaaniga ahaa ee Jebiyay Qabweynidii Ruushka.[WARBIXIN]

Qarni kasta oo dunida soo maray, waxa ay dowladaha caalamku isku dayayeen iney weeraro ku qaadaan dhulalka ay ku nool yihiin Muslimiinta, si ay uga dhigaan kuwa ay baabi’iyaan, amaba ay ay gumeysi ku qabsadaan oo ay raacaan mabaadi’dooda.

Balse taasi mey dhaceen, ee waxa uu Allaah umadda usoo saarayay hogaamiyayaal geesiyaal ah oo dusha uritay sidii ay umadooda kaga dafcin lahaayeen cadowga hororka ku ah diintooda iyo dadnimadooda, waxa ayna la galeen dagaallo xooggan oo ugu dambeyn ay guushu ku raacday Muslimiinta, laguna jabiyay qabweynidii gaalada.

Dhulka Shiishaan, waxa uu kamid ah dhulalka Muslimiinta ee marti galiyay xamlada Suhyuu Saliibiyadda ah ee lagu qaaday caalamka Islaamka, waxaana dalkaasi ku duulay, mid kamid ah dowladaha sheegta quwadaha adduunka oo ah dowladda Ruushka, hasa yeeshee waxaa si adag uga hor tagay hogaamiye fariis ah oo ugu dambeyn Ruushka ku qasbay inuu saga baxo dalkaas.

Waa Hogaamiye Shaamil Baasyiif, Mujaahidkii Shiishaaniga ahaa ee jebiyay qabweynidii Ruushka, waxay geesinimadiisa gartay buuraha Shiishaan, waxa uuna ahaa dagaalyahan dulmi diid ah oo sanka dhulka ugu jiiday qabweynihii dowladda Ruushka, oo xilligaasi duullaan gargdarro ah ku qaaday dhulka dulmi diidnimada ku caanbaxay ee Shiishaan.

Halkaan ka Degso Warbixin Hogaamiye Shaamil Baasyiif

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments