Shamso CabdulQaadir Xaaji Daahir, oo ah la taliyaha arimaha waxa loogu yeero Xuquuqda Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegtay iney iska casishey xilkii ay ka heysay xafiiskan, iyadoo u aaneysay dhibaatooyin ay kala kulantay qolyaha ay la shaqeyso, sida ay warka u dhigtay.
Qoraal ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Facebook-ga ayay ku sheegtay Shamso in waayadii u dambeysay ay la kulmeysay cadaadis iyo culees joogta ah, taaso salka ku heyso in siyaasad ahaan ay taageersantahay Axmed Madoobe, hogaamiyaha maamulka labaxay Jubbaland.
“Anigoo ah Shamsa Cabdulqadir Daahir, ahna La-taliyaha Sare Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqil Insaanka ee Xafliska Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda, waxan halkaan ku caddaynayaa inaan si rasmi ah iskaga casilay xilkii aan ka hayay xafliska , kadib markii aan arkay caddaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo faro galin joogta ah, Duudsiin xuquuq lyo Caburin Shaqo oo la xiriirta Shaqadii La ii igmaday” ayay ku tiri qoralaka ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Facebooka.
Tallaabada is casilaadda ee ay ku dhawaaqday haweeneydan katirsan xafiiska Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo aadeysa, iyadoo khilaafka u dhexeeya maamulka labaxay Jubbaland iyo Dowladda Federaalka uu marayo halkii ugu sareysay, horeyna ay xilalkooda isaga casileen shakhsiyaad katirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kuwaasoo siyaasad ahaan taageersan Axmed Madoobe.