Gaadiid badan oo xamuul ah islamarkaana sida badeecado kala duwan, ayaa waxa ay muddo bilooyin ah ku xayiran yihiin qeybo kamid ah gobalka Hiiraan ee bartmaha Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo maleeshiyaadka hubeysan oo isbaarooyin dhigtay deegaanno katirsan gobalka Hiiraan, si gaar ah duleedka magaalada Baladweyne ayaa waxa ay dhac iyo dil ugeystaan dadka rayidka ah.
Muddo ku siman 8 bilood ah ayay ganacsatadu sheegeen, in gaadiidka xamuulka qaada aysan soo galin magaalada Baladweyne, cabsi ay ka qabaan in dhac loo geysto awgeed.