Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ayaa waxa ay gudaha dalkaasi dil iyo dhaawac ugu geysteen, 2 ruux oo kamid ah ganacsatada Soomaalida ee ku nool Koonfur Afrika.
Burcadda ayaa weerar ku qaaday 2 dhalinyaro ah oo kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, iyagoo midkood dilay kan kalana dhaawac ugeystay.
Gobolka KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika ayay burcaddu ku dishay Saadaq Axmed Xasan, iyagoo sidoo kale dhaawacay axamed Daahir oo ganacsadaha la dilay ay hal meel wada joogeen.