Ganacsatada suuqa Lo’da ee magaalada Wajeer ee gobolka Wajeer ayaa ka hadlay, dhibaatooyin ka heysta xagga ganacsiga, iyadoo warbaahinta la wadaagay arrimo badan oo ay ka cabanayaan.
Waxay sheegeen in guud ahaan uu hoos udhac uyimid xaggii iibka Lo’da, maadaama ay roob la’aani ka jirto, Soomaaliya oo ay xooluhu uga imaanayeen iyo gudaha Kenya oo ay u iib geynayeen.
Waxay cabasho ka muujiyeen maqnaananshiayah adeegyo badan oo uu ubaahan yahay suuqa Lo’da ee Wajeer, iyagoo sheegay in canshuur laga qaado waxbana aan loo qaban.