Maxamed Cabdi Afweyne oo ah ganacsade Soomaaliyeed, oo inkabadan toban sano ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Bilijimka, ayaa dib u helay xorriyadiisa, isagoo kusoo noqday Muqdisho.
Maxamed Cabdi Afweyne oo ahaa nin ganacsade, ayaa waxaa si shirqool ah loogu gacan geliyay Reer galbeedka, kadib markii lagu eedeeyey inuu kamid yahay kooxaha burcad-badeedda.
Wuxuu u mahadceliyay Allah Subxanahu watacaalaa, oo kasoo daayay xabsigii uu ku xirnaa 11 sano iyo shan bilood oo xiriir ah.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa si dulmi ah ugu xiran xabsiyo ku yaala caalamka, kuwaasoo qaarkood loo heysto eedo aan waxba ka jirin oo la xiriria burcad badeednimo, ama waxa loogu yeero argagaxisinimo.
Halkaan ka Degso Warka Ganacsadaha