Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa markale ka dhacay fal naxdin badan, kaasoo lagu dilay gabar Soomaaliyeed oo dhawaan dhameysay waxbarashada Jaamacadda.
Deeqo Cabdi Macallin Nuur, oo ahayd gabar Soomaaliyeed oo 27 sano jir ah, ayaa lagu dilay magaalada Nairobi, iyadoo markaa kadib la jarjaray meydkeeda.
Cabdi Macallin Nuur, oo ah aabaha dhalay gabadha soomaaliyeed ee sida arxan darrada ah loo dilay, ayaa warabaahinta la hadlay, isagoo ka waramaya dhacdadan argagaxa badan.