Wednesday, January 15, 2025
HomeAll NewsFPI-da Maraykanka oo Nidaam Basaasnimo Ka Hirgelineysa Muqdisho. .

FPI-da Maraykanka oo Nidaam Basaasnimo Ka Hirgelineysa Muqdisho. [Dhagayso].

Xafiiska FPI-da Maraykanka ayaa soo saaray codsi la xiriira, in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka Xadidaada ee Beometry oo ah sawir laga qaadayo Bu’da Isha, kaasoo loogu talogalay in lagu keydiyo xogaha dadka, si dabagal loogu sameeyo waqtiga loo baahdo.

Tallaabadan ayaa qeyb ah mashruuc ballaaran oo loogu magacdaray tirakoobka Soomaaliya, kaasoo lagu doonayo in dadka Soomaalida ah lagu keydiyo xogahooda, si ay u noqdaan kuwa ay si fudud u dabageli karto dowladda Maraykanka ee duullaanka qaawan ku joogta Soomaaliya.

FPI-da Maraykanka ayaa si gaar ah waxay u dooneysaa in mashruucan ay ku beegsato culimada, aqoonyahannada, ganacsatada iyo ardeyda, iyadoo ku doodeyso iney qeyb ka tahay waxa loogu yeero la dagaallanka argagaxisada, waxaana hirgalka mashruucan ay ka dhigantahay in malaayiin ruux oo Soomaali ah ay si dhow ula socoto Ameerika, xogahooda gaarka ahna isha lagu hayo.

Hay’adda FPI-da Maraykanka ayaa hadda raadineysa shakhsiyaad aqoon u leh majaalkan oo uga shaqeeyo xafiiskooda Soomaaliya, kuwaasoo howshoodu noqoneyso cillad bixinta qalabyada shaqada, tababaridda saraakiisha Soomaalida ee Maraykanka u shaqeynaya, iyadoo sidoo kale FPI-du ay baadi goobeyso qandaraaslayaal qaata soo iibinta qalabyada shaqada iyo howlgelintoodaba.

Arinta la yaabka leh waxay tahay in FPI-da Maraykanka oo ah hay’ad maxalli ah oo loogu talogalay sugidda amniga Maraykanka, ay Soomaaliya ka fuliso howlo sirdoon oo baaxaddan leh, taasoo muujineysa in Maraykanku u arko Soomaaliya inuu yahay gobol kamid ah gobollada dalka Maraykanka.

Haddii FPI-du u hirgalo mashruucan waxaa halis amni ku jira guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda haldoorka ah ee indhaha bulshada ah, maxaa yeeley wuxuu Maraykanku culeesyo kusoo rogi doonaa ganacsiga xorta ah, howlaha waxbarasho ee jaamacadaha, iskuullada iyo masaajidda, iyadoo qofka Soomaaliga ah aanu la gaar noqoneynin xogaha ehelkiisa iyo ganacsigiisa intaba.

Halkan kala deg Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments