War kasoo baxay Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa lagu sheegay, in foolkaanooyinkii dhawaan ka billawday dalkaasi ay saameyn xooggan ku yeesheen, wadadii tareenka iyo gaadiidka ee isku xiri jirtay dalkaas iyo Jabuuti.
Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya, wadada tareennada ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti oo dildilaacday, taas oo saameyn ku yeelaneysa dadka Xabashida ah, maadaama ay wadadaasi usoo maraan badeecado badan.