Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Jabhadda Axmaarada ee FANO ay weerar culus ku qaaday, xero lagu tababaray ciidamo katirsan Dowladda Itoobiya oo ku yaalla gudaha dalkaas.
Warkasoo baxay FANO ayaa sheegay, in maleeshiyaadkoodu ay weerar ku ekeeyeen xero tababar oo ku taalla magaalada Gojam ee ku taalla woqooyiga magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Xerada oo ay ku sugnaayeen kumannaan askari ayay jabhaddu sheegtay iney ka dhigtay wax la dilay, qaar la dhaawacay, kuwa naftooda la baxsaday iyo kuwa kale oo is dhiibay.
Waxay intaas ku dartay in weerarkaan culus ay kusoo furatay hub iyo saanado millatari oo saldhigga uyiillay ciidanka Xabashida Itoobiya, ayna gacanta ku dhigeen askar maxaabiis ah.