Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in jabhadda Oromada ee OLA islamarkaana dagaalka kula jirta Dowladda Xabashida Itoobiya, ay weeraro ka fulisay dalkaaas, kuwaas oo dhaliyay khaasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War kasoo baxay jabhadda ayaa lagu sheegay, in ay dileen dad ka badan 40 xubnood, kadib weeraro dhor ah oo ay ka geysteen deegaanno katirsan gobalka Shewa ee dalka Itoobiya.
Dadka ay dishay ayay OLA sheegtay iney isugu jiraan saraakiill, askar shaqaale dowladeed iyo iyo sidoo kale xubno katirsan xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya.
Sidoo kale waxa ay jabhadda Oromada ee OLA sheegtay, iney jareen xireen oo ay hakad galiyeen wadada tareenka ee isku xireysay Itoobiya iyo Jabuuti.