Xisbiga Mucaaradka dalka Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo WDP ayaa sheegay, in Faarax Macallin oo ah xillibaan katirsan baarlamaanka Kenay, ay ka qaadeen xilkii gudoomiye kuxigeen ee uu xisbiga ka hayay.
War kasoo baxay gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in Faarax Macallin uu ku tuntay dastuurka dalka Kenya, sidaasi darteedna uu xisbiga go’aan ku qaatay in Faarax Macallin laga xayuubiyo xubinnimada xisbiga.
Siyaasiga Faarax Macallin oo kasoo jeeda Soomaalida ay gumeysato Kenya ee kunool dhulka NFD, ayaa kamid ah siyaasiyiinta caanka ah, ee jeediya hadallo uu kaga faalloonayo siyaasadda dalalka Kenya iyo Soomaaliya.