Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ciidanka Uganda ee qeybta ka ah shihseeyaha kusoo duulay dalka lagula beegsaday gobalka Sh-hoose.
Qaraxyada oo 7 gaarayay ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo katirsan ciidanka Uganda oo ku socdaalayay inta u dhexeysa deegaanka Lambar-60 iyo degmada Jannaale oo kawada tirsan gobalka Sh-hoose.
Tirada dhimashada ee askarta Uganda ayaa gaartay 7 askari, halka dhaawacuna uu marayo 10 kale.
Waxaa intaa dheer oo qaraxyada lagu burburiyay, gaari Hamar ah oo qeyb ka ahaa kolonyada ciidamada Shisheeye ee Uganda ee qaraxyada lala beegsaday.
Gobalka Sh-hoose waxaa marar badan sidaan oo kale loogu beegsaday kolonyo katirsan ciidanka Uganda, waxaana weeraradaas lagu dilay saraakiil iyo askar katirsan ciidankaaas.