Waxaa sii kordhay khasaaraha dagaalladii maanta ka dhacay duleedka degmada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.
Tirada dhimashada askarta Dowladda Fedaraalka ayaa gaartay 5 askari, halka dhaawacuna uu marayo 2 kale, waxaana 3 kamid ah meydadka askarta la dilay looga cararay goobta dagaalka.
Labada askari ee lagu dhaawacay dagaallada ayaa lagu kala magacaabaa Cabdi Maxamad Hareedle iyo Cali Cagweyn.
Waxaa intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaalladaasi kusoo furteen 2 qori oo AK-47 ah iyo booshashkooda.