Emmanual Macron oo ah madaxweynah Dowladda Faransiiska ee ku caan baxay aflagaada Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallam, ayaa isagoo hadlayay waxa uu walaac ka muujiyay baaba’a ku yimid nufuuddii iyo saameyntii ay ku lahaayeen Afrika.
Waxa uu ku cataabay in madaxda dowladaha Afrikaanka ay ay iska illoobeen iney umahad celiyaan Dowladda Feransiiska, oo uu sheegay iney dalalkaasi ka baadbaadisay iney maamulaan kooxo hubeysan.
“Waxaan u maleynayaa inay illoobeen inay noo mahadceliyaan, laakiin waa caadi, waxay imaan doontaa waqtigeeda,” ayuu yiri hogaamiyaha Dowladda Faransiiska Emmanual Macron.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay, in dowladaha Afrikaanka ah aysan midkoodna yeelan laheyn dowlad madax bannaan, haddii aysan ciidamadoodu usoo diri laheyn qaaradda Afrika.
Kulan sannadle ah oo ka dhacay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, diiraddana lagu saarayay siyaasada arrimaha dibadda ee Faransiiska ee sanadkan 2025-ka ayuu hadalkaan ka jeediyay Macron, waxaana kulankaasi goobjoog ahaa safiirrada Faransiiska.
Hadlaka kasoo yeeray Macron ayaa kusoo aadaya, iyadoo badi dowladaha dhaca Saxaraha, Saaxilka iyo galbeedka Afrika ay iska diideen iney lasii shaqeeyaan dowladda Faransiiska.
Taasi ayaa timid kadib markii ay kacdoonno ballaaran dhigeen dadka shacabka ah ee ku nool mandiqaddaas, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan gumeysiga Faransiiska, ugu dambeynna sababtay inuu ciidamadiisa kala baxo wadamadii ay kacdoonnadu ka dhaceen.
Dhawaan isagoo ku sugnaa dalka Jabuuti ayuu madaxweynaha Faransiiska sheegay, in saldhigga ay dalkaaasi ku leeyihiin uu noqday meesha kaliya ee saameynta muuqata ay iminka kaga leeyihiin qaaradda Afrika uuna qaadanayo dowr weyn, isagoo dhanka kale qiray in ay shucuubta mandiqadda ku baraarugeen gumeysigooda.