Ehellada wiil iyo abtigiis oo ay ciidamada Dowladda Fedaraalka ku dileen gobalka Sh-dhexe ayaa dhigay dibadbax ay cadaalad ku dalbanayaan.
Muddo hadda laga joogo 4 maalmood waxa ay ciidamada Dowladda Fedaraalka wiil iyo abitigiis ku dileen, deegaanka lagu magacaabo Cadeyga Mooblleen ee gobalka Sh-dhexe.
Ehellada labadaas ruux ee la dilay oo dibadbax dhigay ayaa waxa ay dalbadeen, iney cadaalad u helaan wiilashooda oo ay si bareer ah udileen ciidamada Dowladda Fedaraalka.