Ehellada sarkaal katirsanaa Dowladda Federaalka oo lagu waayay dagaalkii Cowsweyne ayaa codsaday in nolol iyo geeri lagu sheego sarkaalkooda.
Shaah-macabe oo ahaa taliyhii hogaaminayay ciidamadii Dowladda Federaalka ee lagu laayay dagaalkii Cosweyne, ayaa illaa iyo hadda Dowladda Federaalka waxay ka hadlin nolol iyo geeri halka uu ku dambeeyo.
Codka koowaad waa xaaska Shaah-macabe oo tilmaameysa inay dayacantahay, oo aan xitaa loo soo tacsiyeynin, codka labaadna waa nin ay ilmo adeer yihiin taliyaha la la’yahay, oo baaq u diray Dowladda Federaalka.