Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa maalintii shalay duqeyn xooggan la beegsatay, suuq lagu iibiyo shidaal oo ku yaalla Koonfurta caasimadda dalka Suudaan.
Ugu yaraan 29 qof ayey dad xog ogaal ah warbaahinta usheegeen iney lagu dilay, halka ay ku dhaawacmeen 37 kale oo 29 kamid ah ay gubteen qaarka kale ay dhaawaceen firirada.
Suuqan ayaa xilli duqeyntu ka dhacaysay wuxuu ahaa mid ciriiriya, waxaana halka duqeyntu ka dhacday gacanta ku haya kooxda RSF.
Illa aiyo haatan majirto cid si rasmi ah loogu tilmaamay duqeyntan, ciidanka iyo kooxda RSF ayaana si isku mid ah uduqeeya shacabka Suudaan, dhacdadanna ma ahan mid ka fog labdan dhinac sida muuqata.
RSF ayaa gumaadka udaran ku heysa dadka reer Suudaan, waxayna dhedhemiyeen cadaabka noocyadiisa kala duwan, sida gaajada, oo ay sii dheeryihiin dilalka joogtada ah, sumeynta, dhaca hantidooda, kufsiga dumarka, afduubka iyo ka qaadashada madax furasho, gubidda guryahooda, duqeynta iyo barakicinta.