Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaDuqeymo Khasaare Geystay oo ka Dhacay Dalka Lubnaan.

Duqeymo Khasaare Geystay oo ka Dhacay Dalka Lubnaan.

Maalintii shalay Duqeymo dhowr ah oo ka dhacay degaano ku dhow magaalada Beyruut ee caasimadda dalkaasi, waxaa lagu dilay 20 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 14 kale.

Duqeymahan oo ahaa kuwo dhanka cirka ah, ayaa waxaa fuliyay maamulka Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulka Falastiin.

Wasaaradda caafimaadkan ee xukuumadda Lubnaan ayaa warar ku saabsan duqeyntan oo ay soo saartay xilliyo kala duwan kaga hadashay, tirade dadkanlagu dilay iyo kuwa dhaawacyada ah.

Maamulka Yahuudda ayaa gumaad aan kala joogsi lahayn kawada wadanka Lubnaan, isagoo ku adacoonaya inuu la dagaallamayo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.

Kayaanka Sahyuuniga ah ayaa dagaalka uu kaga jiro Lubnaan waxaa dhankiisa kasoo gaaray khasaarooyin kala duwan oo isugu jira naf iyo maal intaba, isagoo ku waayaay saraakiil  dhow ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments