Sunday, November 17, 2024
HomeWarka GudahaDuqeymo ka Dhan ah Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo ka Dhacay Yeman.

Duqeymo ka Dhan ah Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo ka Dhacay Yeman.

Duqeymahan  oo ay fuliyeen diyaarado Drones ah islamarkaana la aamisan yahay iney leedahay dowladda Mareykanka, ayaa shalay oo Talaado ahayd ka dhacay gobolka Al-Beydaa ee dhaca bartamaha dalka Yaman.

Magaalada AS-Sowmaca ee katirsab gobolkaasi ayey si gaar ah duqeyntu kaga dhacday, waxayna wararka qaar sheegayaan  iney beegsatay gaari ay saarnaayeen 2 gaari oo ay iska leeyihiin Xuuthiyiinta, ka dhacday meel 276 KM dhanka Bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Sanaa’.

Labo kamid ah askrta qaabilsan gentaallada ayey wararka qaar sheegayaan iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Qof door biday inaan magaciisa la sheegin oo la hadlay warbaahinta Aarabi 21 u sheegay, in mide kamid ah duqeymaha ay beegsatay  gaari ay saarnaayeen 5 askari oo kamid ah kuwa gentaallada ku takhasusay ee Xuuthiyiinta, wuxuuna intaasi ku daray in dhamaantood dhaawacyo soo gaareen, duqeyntanna waxay ka dhacday magaalada AS-Sowmaca sida uu sheegayo qofka la hadlay warbaahinta.

Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa dhankooda qirtay in duqeyntu haleeshay mid kamid ah gaadiidkooda, kana dhacday isla degmadii aan soo sheegnay.

Gaariga duqeytu beegsatay, ayaa sawir laga soo qaaday waqti udhow xilliga duqeyntu ku dhacday lagu baahiyay warbaahinta.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa qudhiisa war uu soo saaray ku sheegay, in labo kamid ah maraakiibtiisa ganacsiga ay badda Cas ku weerareen malleeshiyada Xuurthiyiinta, kuwaasoo uu tilmaamay iney weerarka u adeegsadeen, sawaariikh iyo diyaarado kuwa aan duuliyaha lahayn ah, hase ahaate ay soo rideen gentaalladii lagu soo weeraray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments