Diyaaradaha Dowladda Itoobiya duqeymo ay ka geysteen gobalka Amxaarada waxa ay ku beegsadeen maleeshiyaadka FANO.
Tiro katirsan maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO ayaa lasoo warinayaa in lagu laayay, duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Xabashida Itoobiya ka geysteen gobalka Amxaarada.
Duqeymaha ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen deegaanno hoostaga gobalka Shawa, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan FANO.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegtay, iney tallaabo adag ka qaaday maleeshiyaad katirsan FANO oo isku dayay iney weerar kusoo qaadaan ciidankeeda.
Balse kooxda ayaa sheegtay, in duqeynta kahor ay fuliyeen weerar ay ku laayeen ciidanka Itoobiya, intaas kadibna xukuumadda Adis Ababa ay tabartu biday iney duqeymo indho la’aan ah ka geystaan gobalka sida ay warka udhigeen.