Arbacadii lasoo dhaafay askarta Nigeria oo ceyrsanaya koox ay ku tilmaameen iney tuugo yihiin, ayaa duqeyay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla Waqooyi Galbeed dalkaasi Nigeria, waxayna halkaasi ku xasuuqeeyn dad shacab ah.
Ugu yaraan 10 ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay duqeymahan, oo aan kamid ahayn kooxdii lagu dabajiray, waxayna ciidanka xukuumadda Dalkaasi markii hore qirteen laynta dadkan, iyagoo markii dame marin habaabiyay xasuuqa ay kula kaceen shacabka, islamarkaana sheegay iney xiriir la lahaayeen, kooxda ay eryanayeen.
Mar kale waxay sheegeen inaan dadkan si toos ah loo beegsan ee ay naftooda ku waayeen hab aan ku talagal ahayn.
Tuulooyinka dadkan lagu xasuuqay ayaa kala ah, Gidan, Sama iyo Rumtuwa, kuwaasoo dhamaantood dhaca gobolka Sokoto ee wadankaasi Nigeria.