Friday, January 31, 2025
HomeAll NewsDowladda Kenya oo Sheegtay Iney Isku Soo Dhiibeen Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka.

Dowladda Kenya oo Sheegtay Iney Isku Soo Dhiibeen Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka.

Ugu yaraan 11 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka islamarkaana wata hubkooda ayaa lasoo warinayaa iney isku dhiibeen, ciidanka Kenya ee ku sugan deegaanka Haluuqa oo ku yaalla gobalka Gaarisa ee ay gumeysato Kenya.

Saraakiil millatari oo katirsan Kenya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in askarta isku soo dhiibey ay wateen hubkooda, rasaasta ay wateen oo ay ka tiriyeen ayayna ku sheegeen iney gaareyso 1,000 (Kun Xabo oo Rasaas ah).

Ila wareedyo maxalli ah oo deegaanka ku sugan ayaa waxay iyana warbaahinta u sheegeen, in askartaan ay ku wajahnaayeen deegaanka Garabey ee ay gumeysato Kenya una dhaw xad-beenaadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Masuuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegeen, in mid kamid ah askartaas uu ahaa nin Kenyan ah oo aan uhbeysneen, sababta ay isku soo dhiibeenna ay ku sheegeen iyagoo culeyso kala kulmay dagaallada ka socda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidamo badan oo katirsan Dowladda Fedaraalka ay horay isugu dhiibeen Dowladda Kenya, kuwaas oo ka firxaday dagaal ay la galeen maamulka la baxay Jubbaland.

Bishii December ee sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd, markii dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka la baxay Jubbaland uu ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobalka Jubada-hoose, waxaana dagaalkaasi kadib Dowladda Kenya isku dhiibey boqallaal askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka kuwaas oo ka firxaday deegaanka Raaskambooni.

Halkan kala deg Faahfaahinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments