Abiy Axmed oo ah Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa waxa uu dadaal ugu jiraa, sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa madaxweynihii hore ee ismaamulka Oromiya Lema Magarasa.
Hogaamiyahaan hore ee uu Abiy Axmed qorsheynayo inuu soo xiro ayaa lagu eedeeyay inuu abaabulayo shirqoollo ka dhan ah xukuumadda Adis Ababa.
Eedeynta waxaa ku wehliya Jawaar Maxamed oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay abaabulka kacdoonno ka dhan ah Abiy Axmed oo ka dhaca gobalka Oromiya.