Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa xilka looga qaaday qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda Muqdisho, iyadoo kuwa cusub la magacaabay.
Wasiirkii Batroolka ee Dowladda Fedaraalka ninka lagu magacaabo Cabdirisaaq Cumar ayaa xilka laga qaaday, iyadoo lagu badalay Daahir Shire Maxamed.
Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday Bashiir Goobbe oo ahaa wasiirka haweenka ee Dowladda Fedaraalka, isagoona lagu badalay haweeneyda lagu magacaabo Khadiija
Al-makhzuumi.