Monday, December 23, 2024
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Xayiraad Xagga Socdaalka Kusoo Rogtay Gudoomiyaheedii Kaxda.

Dowladda Fedaraalka oo Xayiraad Xagga Socdaalka Kusoo Rogtay Gudoomiyaheedii Kaxda.

Dowladda Fedaraalka ayaa xayiraad xagga safarka ah kusoo rogtay mid kamid ah gudoomiayaasha degmooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maxkamadda gobalka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka ayaa xayiraad xagga socdaalka ah kusoo rogtay, C/laahi Sheekh C/raxmaan oo ah gudoomiyaha degmada Kaxda.

War qoraal ah oo kasoo baxay maxkamadda ayaa taliyaha saldhigga boliska ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyo hey’adda socdaalka ee Dowladda Fedaraalka lagu amray iney safarka ka xannibaan gudoomiyaha.

Waxaa lagu eedeeyay inuu galay falal dambiyeedyo ay kamid yihiin amar diido, faafinta warar been abuur ah iyo dabiyo kale oo ku xusan warqadda kasoo baxday maxkamadda gobalka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Warka Xayiraadda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments