Wali waxaa taagan buuqa iyo cambaareynta ka dhalatay askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo lagu laayay deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Sh-dhexe.
Maleeshiyaadka Macawiisleyda oo toogtay 7 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa sababtay in xabsiga la dhigo, gudoomiyihii deeganka Ceelbaraf ee maamulka la baxay Hirshabeelle Yuusuf Xasan Xuurshow.
Gudoomiyaha ayaa lagu tuhunsan yahay inuu lu lug lahaa dilka askartaas, iyadoo horay ay Dowladda Fedaraalka xabsiga udhigtay odayaal iyo haween kamid ah dadka deegaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka la baxay Hirshabeelle Cabdi Karoore ayaa sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay maamulkii deegaanka Ceelbaraf gudoomiyahiisana xabsiga la dhigay.