Wasiirka waxa loogu yeero cadaaladda ee Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay, in aan xisbi diin ku shaqo leh loo ogoleyn doorashooyinka.
Isagoo wareysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Fedaraalka, ayuu Xasan Macallin oo ah wasiirka waxa loogu yeero cadaaladda ee Dowladda Fedaraalka ka dhawaajiyay, in xisbiyada sisaayadeed aan laga ogoleyn iney ku lug yeeshaan arrimo diineed.
Waxa uu tilmaamay in ay mamnuuc tahay in xisbiyadu ay isku abuubulaan wax diin ku saleysan, kaliyana loo ogol yahay iney ka shaqeeyaan arrimaha siyaasadeed oo kaliya iyo shuruucda gacan ku sameyska ah ee ay dajisteen.
Haddaba Sheekh Faarax Cali oo kamid ah culimada ayaa ka wareysanay hadalka kasoo kasoo yeeray wasiirkaan katirsan Dowladda Fedaraalka.