Monday, January 6, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Sheegtay in Itoobiya ay Kasii Mid Ahaan Doonto Duullaanka...

Dowladda Fedaraalka oo Sheegtay in Itoobiya ay Kasii Mid Ahaan Doonto Duullaanka Shisheeye.

Markii ugu horeysay waxay Dowladda Federaalka si rasmi ah u sheegtay in ciidamada Itoobiya ay kasii mid ahaan doonaan duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, xilli waayadii u dambeysay ay Dowladdu sheegeysay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan dalka, haddii taasi ay dhici weysana ay u aqoonsan doonaan ciidan gumeysi.

Wasaaradda arimaha dibadda Dowladda Federaalka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay, in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso codsiga ku aaddan inay Itoobiya ku biiriso ciidamo cusub oo qeyb ka noqda duullaanka AUSSOM, oo ah shaar bedel loo sameeyay ciidamada Shisheeyaha ee horey loogu yeeri jiray ATMIS.

Wasaaradda Arimaah dibadda Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in tallaabadan ay ka dhalatay Booqasho ay Muqdisho ku yimaadeen wafdi ka socday dowladda Itoobiya, kuwaas oo u yimid Muqdisho, kuwaasoo ka dhaadhicinayay Dowladda Federaalka in Itoobiya ay sii wadato duullaankeeda Soomaaliya, iyadoo laga ambo qaadayo heshiiskii Ankara ee la saxiixay 11-kii December.

“Iyadoo la raacayo mabaadi’da Baaqa Ankara, Dowladda Federaalka waxay ku adkeysaneysaa sida ay uga go’an tahay xaqiijinta fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay u aragtaa in mabaadi’da heshiisyadaasi ay aasaas adag u yihiin kobcinta iskaashiga wax ku oolka ah ee u adeega danaha labada dhinac,” ayaa lagu yiri warkan dowladda Federalaka kasoo baxay.

Danta ay Itoobiya leedahay, ayna Dowladda Federaalka sheegeyso iney u fulineyso waa iney qaadato badda Soomaaliya, madaxda Itoobiyaanka ayaana marar badan ku celiyay inaaney wax gorgortan ah ka galaynin iney helaan bad ay iyagu maamulaan, taasoo ka dhigan in markale uu Xasan Sheekh Maxmuud qaadanayo dowrkii horeyba looga bartay ee ahaa in Umadda Soomaaliyeed u gumeeyo Nasaarada Itoobiya.

Halkaan ka Degso Warka Dowladda Fedaraalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments