Dowladda Fedaraalka ayaa war la yaab leh kasoo saartay dagaalkii ciidankeeda looga saaray deegaanka Raaskambooni ee gobalka Jubada-hoose.
Tan iyo maalintii shalay markii ugu horreysay Dowladda Fedaraalka ayaa war rasmi ah kasoo saartay, dagaalkii ciidankeeda looga saaray deegaanka Raaskambooni ee gpbalka Jubada-hoose.
Dowladda Fedaraalka ayaa qirtay in lagala wareegay gacan ku heynta Raaskambooni, iyadoo sheegtay in ciidankeeda ay halkaasi uga saartay si uusan dhiig u daadan.
Hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland Axmed Madoobana ku eedeysay inuu isku baabi’inayo labada ciidan.
Hadalkaan isbaraanbarka ah ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda, hanjabaaddii ay maalmihii lasoo dhaafay jeedineysay Dowladda Fedaraalka ee ahaa in ay Axmed Madoobe dagaal ku qaadeyso.