Sunday, December 29, 2024
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Odayaal iyo Haween u Xirirtay Ciidankii Looga Dilay Ceelbaraf.

Dowladda Fedaraalka oo Odayaal iyo Haween u Xirirtay Ciidankii Looga Dilay Ceelbaraf.

Dowladda Fedaraalka ayaa ciidamo badan geysay deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Sh-dhexe, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno ay ku raadinayaan maleeshiyaad katirsan Macawiisleyda oo tiro askar ah ku dilay deegaankaas.

Askarta la dilay oo tiradoodu aheyd 7 askari, ayaa waxa ay Dowladda Fedaraalka dilkooda usoo qabatay odayaal iyo haween kamid ah dadka deegaanka.

Tani ayay dadka ku dhaqan mandiqaddaasi sheegeen iney sii hurin karto colaadda ka jirta gobalka, maadaama ay Dowladda Fedaraalka ku eedeeyeen iney kusoo xad gudubtay dadka rayidka ah.

Halkaan ka Degso Warka Xawaadley

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments