Dowladda Fedaraalka ayaa maalintii shalay wafdi udirtay magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, kaas oo daba socda heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Ankara.
Wafdiga ay Dowladda Fedaraalka udirtay magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa kulamo la qaatay masuuliyiin Xabashi ah, iyagoo kawada hadlay dardar galinta heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu Xasan Sheekh Abiy Axmed ugu saxiisay iney qaataan qeybo kamid ah badda Soomaaliya.
Masuuliyiinta Dowladda Fedaraalka udirtay Adis Ababa ayaa waxaa kamid ah, Cali Balcad oo ah Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Fedaraalka, iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ah taliyaheeda Sirdoonka.
Saacado kadib markii ay wafdigaasi dirtay ayaa waxa uu dagaal ka dhacay degmada Doolow ee gobalka Gedo, halkaas oo laga saaray ciidamada Dowladda Fedaraalka, waxaana xukuumadda uu fadhigeedu yahay Muqdisho ay Dowladda Itoobiya ku eedeysay iney ciidanka Itoobiya magaalada ka saareen askartooda oo ay garab siiyeen maamulka la baxay Jubbaland.