Sunday, December 22, 2024
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Itoobiya ku Eedeysay Iney Isku Direyso Qabaa'ilka Dega Gedo.

Dowladda Fedaraalka oo Itoobiya ku Eedeysay Iney Isku Direyso Qabaa’ilka Dega Gedo.

War kasoo baxay Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa xukuumadda Xabashida Itoobiya loogu jeediyay eedeyn ah iney isku hubeyneyso qabaa’ilka walaalaha ah ee dega gobalka Gedo.

Itoobiya ayay Dowladda Fedaraalka sheegtay in ciidankeeda ay kasoo dhaqaajisay degmada Doolow, oo ay soo aadeen degmada Balad-xaawo ee isla gobalkaas.

Waxa ay sheegtay iney ka hortagi doonto qorshahaas islamarkaana ay la dagaallami doonaan ciidanka Xabashida Itoobiya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dowladda warkaan uusan daacad ka aheyn, arrintuna ay daba socoto xiisadda ka dhalatay maamulka la baxay Jubbaland, iyadoo ka walaacsan Itoobiya oo la safatay maamulkaasna ay dooneyso iney marmarsiyo uga dhigto hadalkaan.

Halkaanka Degso Warka Eedeynta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments