Warqad kasoo baxay gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka Aadan Madoobe ayaa ganaax lagu dul dhigay, Xildhibaan Xasan Firimbi oo dhawaan askari ku dhex feeray xarunta Baarlamaanka, iyo xildhibaanno kale oo lagu eedeeyay iney khalalaaso ka sameeyeen Baarlamaanka dhexdiisa.
Muddo 2 bilood oo xiriir ah ayaa fadhiyada golaha Baarlamaanka ee Dowladda Fedaraalka laga joojiyay xildhibaan Xasan Farambi oo feer ku dhaawacay askari kamid ah ilaalada xarunta Baarlamaanka.
Sidoo kale ganaaxyo isugu jira gunno jirs iyo ka joojinta fadhiyada golaha baarlamaanka ayaa lagu soo rogay, xildhibaanno kale oo loo heysto is horistaagidda inuu buuxsamo kooramka golaha iyo iney ka hor-imaadeen xeer-hoosaadyo la ansixiyay.