Dowladda Fedaraalka ayaa ka hadashay kulan ay magaalada Adis Ababa ku yeesheen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed, iyadoo dhanka kale dafirtay in Soomaaliya ay saaran tahay Badda Cas.
Maalintii shalay wafdi uu hhoggaaminayo madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh ayaa dib uga soo laabtay magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, kadib markii uu halkaasi uga yeeray Abiy Axmed.
Kulankaan ayay labada dhinac ugawada hadleen qodobo uu kamid yahay dardar galinta heshiiskii Xaaraanta ahaa ee Xabashida lagu siiyay Badda Soomaaliya.
Cali Cumar “Cali Balcad” oo ah Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Fedaraalka kana kamid ahaa wafdiga Xasan Sheekh, ayaa waxa uu sheegay in kulankii ka dhacay Adis Ababa looga hadlay xiriirka dibliaasiyadeed ee ay la leeyihin Itoobiya, isagoo xusay in waxyaaba lagu heshiiyay ay kamid tahay sii shaqeynta qunsuliyadaha ay Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe, kuwaas oo ay horay Dowladda Fedaraalka u sheegtay ineysan shaqeyn karin oo la xiro.
Mar wax laga weydiiyay is waafajinta Dowladaha Masar iyo Itoobiya oo ay xurguf ka dhaxeyso, iyo hadalkii Qaahira ee ahaa in aysan aqbali doonin in dal aan xuduud la laheyn Badda Cas uu isticmaalo biyaha Xeebahaas, ayuu Cali Balcad gabi ahaanba dafiray, in Soomaaliya ay xuduud la leedahay Badda Cas.
Warka kasoo yeeray Cali Balcad ayaa xoojinaya hadal-heyn jirtay maalmihii lasoo dhaafay oo sheegeysay, in Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump uu qorsheynayo in maamulka la baxay Soomaaliland uu u aqoonsado dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale, kulankii Abiy iyo Xasan ee Adis Ababa ayaana waxaa si weyn uga soo horjeestay bulshada qeybaheeda kala duwan.