Saturday, January 18, 2025
HomeWarka GudahaDowladda Fedaraalka oo Burburin ka Billowday Xaafad Katirsan Degmada Hodon.

Dowladda Fedaraalka oo Burburin ka Billowday Xaafad Katirsan Degmada Hodon.

Xilli maalmihii lasoo dhaafay ay isa soo tareysay cabashada dadka ku dhaqan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sheegayay in loogu hanjabay in la barakicin doono ayaa waxaa iminka si toos ah ubillawday burburinta guryahooda.

Ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka oo cagafyo wata ayaa waxa ay halka loo yaqaanno hotel Taleex ee degmada Hodon ka billaabeen burburin ay ugeysanaya guryaha dadka shacabka ah.

Bulshada la barakiciyay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in arrintaan ay ku lug leeyihiin masuuliyiin katirsan Dowladda Fedaraalka, sida Macallin Mahdi oo ah taliyaha Boliska gobalka Banaadir, iyagoo sheegay in loola dhaqmay sida ay Yahuuddu ula dhaqanto Muslimiinta Falastiin.

Halkan Hoose ka Dhegeyso Warbixintan oo Dhameestiran.

Halkan ka Degso Warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments