Wednesday, January 8, 2025
HomeAll NewsDowladda Burundi oo Sheegtay Inay Ciidamadeeda Ka Saareyso Dalka Soomaaliya.

Dowladda Burundi oo Sheegtay Inay Ciidamadeeda Ka Saareyso Dalka Soomaaliya.

Iyadoo duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya loo bedeley magaca iyo shaarka, ayaa illaa iyo hadda waxaa taagan khilaaf adag oo u dhexeeya dhinacyada qeybta ka ah duullaanka iyo dowladaha reer galbeedka ee maalgeliya.

Dowladda Burundi oo sanadihii lasoo dhaafay qeyb ka ahayd ciidamada Shisheeyaha ee dhibaatada ka wada Soomaaliya, ayaa sheegtay iney go’aansatay iney isaga harto duullaanka magaca loo bedeley ee AUSSOM, sababo ay ku sheegtay ineysan ku qanacsaneyn tirada ciidamada ee loo qoondeeyay iney Burundi ku yeelato duullaanka.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Safaaradda Burundi ee dalka Itoobiya, xukuumadda Bujumbuura ayaan ku qanacsaneyn ciidanka looga ogolaaday iney kaga qeyb ahaato duullaanka Soomaaliya oo dhan kun askari, halka iyadu dooneyso iney ciidamadeeda jooga Soomaaliya ay tiro ahaan noqdaan ugu yaraan labo kun oo askari.

Maadaama illaa iyo hadda aaney isku afgaran Burundi iyo Dowladda Federaalka tirada ciidamada, waxay xukuumadda Bujumbuura madaxda ugu sareysa ee Midowga Afrika ku wargelisay in ciidankeedu aaney kasii mid ahaan doonin duullaanka Soomaaliya, Soomaaliyana ay kala bixi doonto ciidankeeda.

Sida muuqata waxay Dowladda Federaalka dooneysaa in Itoobiya oo horey loo sheegayay inaaney sii joogi doonin ciidankeeda dalka Soomaaliya ay qeyb ka ahaato duullaanka Shisheeyaha, tirada askarta la ogolyahana ay tahay mid aad u kooban, maadaama aan loo heynin taageero maaliyadeed iyo mushaar joogto ah.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments