Markii ugu horreysay Dowladda Aderbijan ayaa war rasmi ah kasoo saartay, 3 markab oo laga leeyahay dalkeeda kuwaas oo ku xiran xeebaha dalka Eritrea.
Warqad diblumaasiyadeed looga cabanayo maraakiibta ku xiran xeebahaa Eritrea ayay dowladda Aderbijan udirtay xukuumadda Asmara, waxaana si loo gaarsiiyo madaxda Eritrea ay Aderbijan warqaddaasi u marsiisay safaaradaha Itoobiya iyo Ruushka.
Bishii November ee 2024 ayaa waxaa maraakiibtaan oo marayay kanaalka Suways kuna jeeday dalka Imaaraadka Carabta lagu qabtay xeebaha dalka Eritrea, kaddib markii cimilada oo xumaaday ay sababeen inay u weecdaan xeebaha dalkaas.