Maanta o Khamiis ah waxaa Lubnaan ka billowday dorashada madaxtinimo, waxaana qofka noqonaya madaxwaynaha dooranaya waxa loogu yeero Baalamaanka xukuumadda ka jirta dalkaasi.
Warar aad isku soo taraya ayaa tilmaamaya, in xilkan loo rabo taliyaha ciidanka Lubnaan ninka lagu magacaabo Joozef Cown, oo ay wataan dowladdo ay kamid tahay tan Mareykanka.
Cown ayaa waxaa la sheegay in kahor inta aan la imaan hoolka doorashada ay codkooda uballanqaadeen 80 kamid ah xildhibaanada dooranaya qofka noqonaya madaxwaynaha, kuwaasoo tiradooda guud ay tahay 128 xildhibaan.
Bishii Oktober ee sanadkii 2022-kii ayaa madaxwayne ugu dambesay wadankan, waqtigaas oo ay xil heyntiisu soo dhamaatay madaxwaynihii hore ee dowladdaasi Miishaal Cown.
Kadib wixii xilligaasi ka dambeeyay, wadanka Lubnaan wuxuu soo maray xaalado kala duwan, iyadoo ay ka dhaceen dagaallo burbur xooggan ugeystay.