Doontan oo ay saarnaayeen 45 ruux ayaa degtay xilli ay mareysay meel ku beegan jaziiradda Laabituuza ee katirsan wadanka Talyaaniga, waxaana laga soo badbaadiyay 1 gabar 11 jir ah kaliya, taasoo sheegtay iney dadkii kale doontu la degtay.
Waxay gabadha lasoo badbaadiyay oo udhalatay dalka Siilalyoon sheegtay iney kasoo baxeen Safaaqis o katirsan dalka Tuunis, gabadhan ayaana saacado badan badda ku jirtay, waxaana markii dambe xilli habeen ah soo badbaadiyay shaqaalaha hay’ad la sheegay iney ka shaqeyso arrimaha bani’aadannimada.
Dadkan ay la degtay doonta ayaa illaa iyo nolol iyo geeri midna lagu heyn, gabadhan yarna waxay shaqaalaha hay’adu sheegeen in la arkay kadib markii ay dhawaaqday.
Ujeedka tahriiyabayaashan ayaa ahaa iney galaan wadamada Reer Galbeedka, waxaana marar badan sidan naftooda ku waayay dad aad ufaradan halka kuwo kalena iyagoo dhibaatooday lasoo badbaadiyay.